Qaramada Midoobey oo Ka Hadashay Doorasha La Filaayo Inay Ka Dhacdo Somaliya

0
110

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa mar kale maanta baaq kasoo saaray doorashooyinka la filayo inay dhowaan ka dhacaan Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay UNSOM ayaa ku baaqay in la xaqiijiyo in saaxadda siyaasadeed ee dalka ay ahaato mid furan, oo oggolaanaysa in la muujiyo codadka iyo aragtiyada kala duwan taasoo qayb ka ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda. Si taas loo gaaro, waa in la ilaaliyo xorriyadda hadalka, ra’yiga, iyo isu imaatinka/ururka.

Waxa uu sheegay in dimuqraadiyaddu ay ka wayn tahay qabashada doorashooyinka, ayna ka dhigan tahay xaqiijinta in saaxadda siyaasadeed ee dalka ay oggolaanayso in dhammaan dadka ay ka qaybgalaan nolosha guud/dowladda.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay garowsan tahay in xorriyatul qowlka, fikirka, iyo isu imaatinku ay yihiin qiyamta udub dhexaadka u ah dimoqraadiyadda ee lagu xeeriyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dastuurka Ku Meelgaarka Soomaaliya,” ayuu yiri.