Xildhibaanada golaha shacabka oo cod aqlabiyad ku ansixiyey golaha wasiirada cusub

0
111

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa goor dhaw cod aqlabiyad ah ku ogolaaday Golaha Xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble.

Dhamaan xildhibaannadii fadhiga soo xaadiray oo ay ridadooda dhameyd 188 mudane ayaa si wadajir ah u ogolaaday Golaha Wasiirrada.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo khubad ka jeediyay xarunta Golaha Shacabka ayaa uga mahad celiyay xildhibaannada codka kalsoonida ah oo ay siiyeen xukuumaddiisa, isaga oo dhinaca kale kula dardaarmay Golaha Wasiirrada in ay gutaan waajibaadkooda Qaran.