Alshabab oo weerar ku qaaday xero ay ciidamada dowlada ka degenaayeen degmada Qansaxdheere

0
95

Dagaal dhexmarey ciidamada dowlada iyo kuwa alshahab ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay, kaasoo geystey qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku bilaawday qaraxyo ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degmada Qansax-dheere, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo saacado ah socday.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka oo warbaahinta la hadley ayaa waxaa ay sheegeeninay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana Xaafadaha qaar ee degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay kusoo dhacday rasaas farabadan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaasi ku dileen sarkaal lagu magacaabi jiray Cali Mad Yeeroow halka ay dhaawaceen ugu yaraan Saddex sarkaal oo kale, hayeeshee aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.