Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Maanta Kormeer ku tagay Saldhigayada iyo Baraha Koontaroolada Ciidamada Booliiska ah ay ka Howlgalaan ee Magaalada Dhusamareeb.
Taliyaha ayaa Warbixin ka dhagaystay Saraakiisha Ciidamada Booliiska waxa ayna xuseen in Ciidamadu mar walba Heegan ugu jiraan Sugida Amniga Caasimada Galmudug iyo Hareeraheeda.
Shalay ayaa Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya waxa uu gaaray Magaalada Dhusamareb waxa uuna kulamo Mira-dhal ah la qaatay Saraakiisha Milarariga Ciidamada Booliiska ah iyo madaxda dowlad goboleeyada Galmudug,
Taliyaha ayaa inta uu joogo magalada dhuusamareeb kala hadli doonaa saraakiisa sidii lo xoojin lahaa aminga Magaalada maadaama dhowaan ka bilaaban doonaan doorashooyinka xubnaha Galmudug ku yeelan doonto labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.