Wefdi u Hogaaminaayo James Swan oo maanta gaaray magalada dhuusamareeb

0
92

Xubno ka socda beesha caalamka, islamarkaana uu hoggaaminayo, ergeyga gaarka ah xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada gobolka Galgaduud.

Wafdigan oo uu horkacayo James Swan ayaa waxaa ka mid ah wakiilada EU, Midowga Africa Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed.

Ujeedka safarka wafdigan ka socda Qaramada Midoobay, EU, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa waxaa lagu sheegay mid ku qotoma arrimaha doorashooyinka 2020/21, siyaasadda iyo amniga.

Sidoo kale qorshaha wafdigan ayaa waxaa qeyb ka ah in Dhusamareeb ay ka hirgeliyaan xarun ay leedahay Qaramada Midoobay, taasoo laga hagi doono howlaha hormarineed ee ay hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay ka wadaan Galgaduud iyo Mudug.

Wakiilada beesha caalamka ayaa sidoo kale inta ay joogaan caasimada Galmudug kulamo kala duwan la yeelan doono madaxda sare ee maamulkaasi.