Madaxweynihii hore ee dalka oo ka hadley xaditaanka caruurta iyo kufsiga

0
145

Madaxweynihii hore ee Dowlada federaalka Soomaaliya ahna gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay kufsiga kusoo batay dalka iyo wararkii maalmihii la soo dhaafay la hadal haayay ee ah in Muqdisho ay kasoo baxeen Koox Carruurta xadaya si ay u iibsadaan qeyb kamid ah Xubnaha jirkooda.

Sheekh Shariif waxaa uu sheegay inay tahay wax laga xumaado in Carruurta ay guryahooda kasoo bixi waayaan, isla markaana dalka xilligana uu noqdo mid laga cabsado Carruurta la xadaayo & Al-Shabaab.

Hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya ayuuu sheegay inay ku mashquuleen waxyaabo aan Shaqadooda aheyn, waxaana uu ka dalbaday inay ka hortagaan falalka Ammaanka lidiga ku ah ee dalka ka dhacaya.

Si kastaba arintu ha ahaatee dalka ayaaba marka la gaaro xiliyada doorashooyinka waxaa xaaladiisu noqotaa mid alow sahal ah waxaa xumaada amniga iyo isuku socodka magalaada walow arinta ilmo xadida ay noqotey dhibaato hor leh oo kusoo korortey dalka