Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo sheegay in Saadaq Joon wax xiriir ah la laheyn alshabab

0
176

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa shaaca ka qaaday in wax dambi oo ku saabsan xiriir Al-Shabaab lagu waayey Jeneral Saadaq Cumar Maxamed, oo ahaa taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya.

Kooxdii hore ee Qaramada Midoobey u qaabilsaneyd kormeerka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea (Somalia-Eritrea UN Monitoring Group), ayaa ku eedeeyey Jeneral Saadaq inuu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shabaab.

Hase yeeshee, kulan xalay uu Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya, ayaa safiirka Belgium ahna guddoomiyaha Guddiga Cunaqabateenada Qaramada Midoobey Philippe Kridelka, waxa uu ku sheegay in kadib dib u eegis lagu sameeyey warbixinadii ay soo gudbiyeen kooxdii UN Monitoring Group la waayey wax caddeymo ah oo muujinaya in Jeneral Saadaq uu ku xiran yahay Al-Shabaab.

Go’aanka Guddiga Khubarada ayaa waxaa sidoo kale soo dhoweeyey dowladda Shiinaha.

Safiirka Shiinaha ee Qaramada Midoobey, Zhang Jun ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Waa mowqifkeena joogtada ah in cunaqabteenada noqdaan kuwa aan laga lahayn ujeedo gaar ah. Talalabo kasta oo guddiga ay qaadaan waa in looga dan leeyahay joogteynta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, kana fogaadan saameyn kasta oo xun oo ay ku yeelan karto horumarka nolosha iyo hantida shacabka Soomaaliyeed. Codsiyada sharciga ah ee ay sameeyaan Soomaalida waa in la siiyaan dareenka iyo tixgelinta ay mudan yihiin. Waxaan soo dhoweeneynaa sharaxaadda lagu sameeyey eedeymaha ka dhanka ah Jeneral Saadaq Omar Maxamed, taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed.”

Dowladda Soomaaliya iyo qareeno matalayey Jeneral Saadaq ayaa muddo waday dagaal sharciyeed ka dhan ah eedeymaha aan salka laheyn ee ay usoo jeediyeen Kooxdii la beddelay ee UN Monitoring Group, taasi oo ugu dambeyn laga guuleystay.