Maxaadan ogeyn oo beryahan ka socda degmada walaweyn

0
116

Xog aynu ka helneyno degmada walaweyn ayaa waxaa ay sheegeysaa in maalmihii lasoo dhaafay uu halkaasi waan waan ka wadey Cali Cabdullahi Halac, waanwaantaaso oo u dhexeysa gudoomiyaha degmada walaweyn iyo kooxo isbaarooleey ah oo horey dhib badan uga geystey degmada isla markaana laga saarey.

Waanwaantani ayaa waxaa ay u dhexeysaa gudoomiyaha degmada walaweyn iyo laba nin oo isku beel ah hadana laba laf kala ah, nin lagu magacaabo Gudcur iyo nin lagu magacaabo Cabdi Nuunow oo ku magac dheer cabey afweyne, Labadan nin ayaa midna wuxuu kasoo jeedaa lafta Odey cad halka kan kale uu kasoo jeedo lafta Caloofi.

Labadan shaqsi ayaa waxaa ay masuul ka ahaayeen dagaalo dhib badan geystey oo bilihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada walaweyn kaasoo geystey qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac keenteyna in dad badan oo aan waxba galabsan ay isaga qaxaan magalada, Balse markii dambe oo looga awood roonaadey dagaalka isagana baxsadey magalada.

Waxaa jira suaalo aad u badan oo ay la dhexmarayaan dadka ku nool degmada ooh ah maxaa xiligan keenay in la heshiisiiyo masuulka degmada walaweyn iyo kooxaha isbaarada degmadau ooli jirtey maxaase is bedeley oo keenay in xiligan la heshisiyo isla markaana uu garwadeen ka noqdo masuul kasoo jeeda gobolada dhexe.

Dhamaan su’aalaha ay shacabka is weydiinayaan ayaa waxaa ay kusoo biya shubaneysaa in uu ciriiri galey dhaqaalihii laga heli jirey isbaarooyinka ha noqdeen kuwa ku dhex yaala gudaha magalada ama kuwa yaala wadooyinka laga soo galo magalada taas ayaana keeneysa in la isku keeno nimanka kamacaasha isbaarooyinka si looga boxo ciriiriga dhaqaalo la,aan ee soo wajahdey kuwa ku heshiiyey isbaaroynka.

Dhinaca kale dad ka tirsan dadka deegaanka oo aan la xiriirney ayaa iyagana inoo sheegay in heshiiskan uusan noqon doonin mid dhaqan geli kara maadaama ragan ay dhibaato badan u geysteen dadka ku dhaqan degmada taasina ay keeni karto in mar kale dagaal degmada ka bilowdo.