Baarintaan ay sameeyeen gudi a tirsan qaramada midoobey ayey ku sheegeen in alshabab iyo kuuriyda waqooyi ka dhexeeyo xiriir

0
74

Guddi baaris oo hoos taga Qaramada Midoobay ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay u isticmaashay wax u muuqda madaafiic laga leeyahay Kuuriyada Woqooyi, weerar ka dhan ah xarunta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, horaantii sanadkan.

Kooxda Al-shabaab ayaa lix weerar oo hoobiyeyaal ah ku qaaday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, intii u dhaxeysay Febraayo iyo May ee sanadkan.

Mid ka mid ah weeraradaas ayaa la sheegay in afar hoobiye lagu tuuray xarunta UN-ka ee kutaala gudaha garoonka Aadan Cadde 17-kii Febraayo, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee guddiga Qaramada Midoobay.

“Laba madfac oo 60-mm ah oo aan qarxin ayaa laga helay weerarkii ka dib 17-kii Febraayo 2020. Mid wuxuu leeyahay astaamo u dhigma nooca 60-mm oo ah hoobiye ay soo saarto Jamhuuriyadda Kuuriya,” ayuu yiri guddigu.

Guddiga ayaa soo jeedisay in Waqooyiga Kuuriya laga yaabo inay ku lug leedahay heshiisyada hubka ee ururka al-Shabaab.

Warbixinta ayaa timid toddobaadyo kadib markii Kuuriyada Waqooyi ay soo cusbooneysiisay diidmada ka dhanka ah argagixisada.