Qaar kamid ah ragii loo heystey weerarkii westgate mall oo maanta la xukumey

0
118

Maxkamad ku taalla dalka Kenya gaar ahaan magaalda Nairobi ayaa laba nin oo loo heysto in ay ka dambeeyeen weerarkii Westgate Mall xukunay ka dib maalmo ay socotoy dhageysiga dacwadooda.

Waxaa lagu kala xukumay 33 iyo 18 sano oo xarig ah kaalintii ay ku lahaayeen weerarkii sanadkii 2013-kii ee lagu qaaday Westgate Mall ee magaalada Nairobi, kaasi oo ay ku dhinteen 67 qof magaalada Nairobi.

Ragga la xukumay ayaa kala ah Maxamed Axmed Cabdi iyo Xusseen Xassan Mustafa ayaa loo haystaa in ay gacan siinayeen Al-Shabab.

Garsooraha maxkamadda sare Francis Andayi ayaa labadan nin ku xukumay 18 sano oo shirqool maleegid ah iyo 18 sano oo ay ku kuteysteen taageerada ay siiyeen argagixsada.

Maxamed Axmed Cabdi waxaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi dheeri ah ka dib markii lagu helay dambi ah in uu haystay agab caawiyay Al-Shabaab.