Baarlamaanka oo maanta ansixiyey hindise sharciyeedka diiwaan gelinta shacabka somaliyeed

0
88

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulan kooda caadiga ahaa ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, waxaana kulankooda ay ku ansixiyeen sharci muhiim ah.

Kulanka oo ay Shir Guddominayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddomiye ku xigeenka Koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa waxaa lagu ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa goobjog ka ahaa 143 Mudane waxaana ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed majirin wax diiday ama ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in sharciga uu ansax yahay, waxaana uu u mahad celiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.