Golaha wasiirada oo qaatey kulanka oo looga hadlayo arimaha amniga iyo doorashooyinka

0
119

Shirkan oo uu Guddoominayo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble ayaa ayaa ka soconaya Hotel ku yaala gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana diirrada lagu saaraya qodobo ay ka mid yihiin Arrimaha Doorashooinka dalka, Amniga, Kobcinta Dhaqaalaha, Daynta cafinta, iyo qorshaha waxqabadka xukuumadda ee 100- a maalmood.

Kulanka Golaha Wasiiradda ayaa waxaa sidoo kale kasoo dhax muuqday guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad ka jeediyay.

Shirkan oo loogu magac-daray Banbaxa Golaha Wasiirrada ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa oo ay iskugu yimadaan xubnaha Golaha Wasiirrada cusub ee uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare Rooble oo ka dhaca meel aan aheyn xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

100 maalin ee ugu horeysa ayaa xukuumada rooble laga sugayaa in ay ku hirgeliso qorshooyin badan oo ay ugu horeyso qabsoomida doorashada taasoo ilaa iminka aan cadeyn xiliga la qaban doono.