Gudoomiyaha degmada afgooye oo ka hadley dhibatada ay shacabka ku jiraan

0
179

Guddoomiyaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ahna Duqa magaalada Aweys Cabdullaahi Cumar (Buulalow) oo maanta faah faahin ka bixiyay xaalada ka jirta degmadaas ayaa sheegay in xilligan Degmada ay ka Jirto xaalad Adag

isagoo sii Hadlayay Gudoomiyaha Ayaa Dalbadey Gurmad in lala gaaro shacabka degmada ee uu saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay degmada Afgooye iyo tuulooyinka hoostaga.

Roobka maalmahaan ka da’ayay gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa uu sababay inay guryo badan Biyo galaan, isla markaana dadkii deganaa ay barakacaan.

Hadalka gudoomiyha degmada afgooye ayaa waxaa uu kusoo beegmaysaa xili in mudo ahba ay shacabka degmada dhex fadhiyaan daadad kasoo fatahay webiga shabeele taasoo ilaa iyo hada aysan kasoo kaban.