Madaxweynihii Maamulka Hirshabeele oo Xilka Iska Casiley

0
96

Madaxweynihii Maamul Gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa bartiisa Twitter -ka ku shaaciyay in uu iska casilay xilkii madaxweynaha, isaga oo sheegay in uu u maray qaab sharciga waafaqsan.

Madaxweyne Waare oo qoraalkiisa is casilaada kaga sheekeeyay taariikhdii laga soo maray dhismaha Hirshabeelle ayaa sheegay in marnaba Hirshabeelle dhismaheeda aan loo marin dariiqii saxda ahaa ee dhismaha maamul loo maro, isaga oo sheegay in Hirshabeelle labada marba lagu soo aadiyay dhismaheeda xili lagu guda-jiray ololaha Doorasho ee heer Federaal.

Wuxuu sheegay in labada Baarlamaan ee Hirshabeelle lagu soo beegay xili dalka uu ku jiro olole doorasho, waxaana uu ku taliyay in dib loo dhigo dhismaha Hirshabeellada cusub ilaa uu ka dhamaanayo waqtiga dowladda hadda jirta, si markaa iyadoo la Miir qabo loo guda-galo dhismaha Labaad ee Hirshabeelle.

Is casilaadan Madaxweyne Waare ayaa imaneysa iyadoo muran iyo khilaaf xooggan uu ka taaggan yahay awood-qeysiga kuraasta sare ee Hirshabeelle.