Madaxweynaha maamulka somaliland oo qadka telfoonka kula hadlay James Swan

0
81

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Cabdi iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud James Swan ayaa waxaa ay yeesheen kulan dhinaca khadka taleefoonka ah, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka ay uga wada hadleen sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka wada-shaqeyneyd maadaamaa Somaliland dhawaan ku dhawaaqday inay hakisay howlihii Hay’adaha Qaramada Midoobey ka wadeen degaanada Somailand.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Somaliland uu Qaramada Midoobey hor-dhigay shuruudo cusub oo u oggolaanaya UN iyo hay’adaheeda inay si gooni gooni ah ula macaamilaan Somaliland.

Todobaadkii hore ayey aheyd kolkii Madaxweynaha Somaliland Muuse Cabdi uu Qaramada Midoobay ku eedeysay inay amarro ka soo qaadatay dowladda Soomaaliya, isla markaana ay doonayeen in Somaliland ka fuliyaan mashaariic aan dan ugu jirin Somaliland.