Ra’iisul Wasaaraha xukuumada federalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiyada Doorashooyinka iyo Xallinta iyo Khilafaadka ee heer Federaal.
Guddiyadan oo ka kooban 25 xubnood oo ah guddiga doorashada iyo 21 xubnood oo ah guddiga xallinta khilaafaadka doorashada ayaa la magacaabay kadib markii dowlad goboleedyadu soo dhameystireen xubnihii u matali lahaa.