Alshabab iyo ciidamada dowlada oo ku dagaalamey deegaano ka tirsan gobolka galgaduud

0
46

Ciidanka Dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay deegaano hoos taga gobolka Galgaduud sida ay sheegayaan warbixino laga helayo halkaas.

dagaalkani ayaa ka bilowday deegaanka Bulacle ee ka tirsan gobolka Galgaduud, waxaana dhacay iska hor imaad aad u xoogan kaasoo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Dadka deegaanka ayaa weli sheegaya in wali dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayaan la maqlayo, sidoo kalana aan la ogaan karin khasaaraha ay is gaarsiiyeen labada dhinac iyo midka soo gaaray dadka rayidka ah.

Ciidamada Dowladda ee ku sugan Galmudug ayaa bilaabay hawlgallo ay ku beegsanayaan Al-Shabaab kuwaas oo weerar ku qaaday madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo kasoo duulayay garoonka Ugaas Nuur.

Dagaalyahanada Al-Shabaab waxaa lagala wareegay deegaano hor leh ka hor inta uusan bilaaban dagaalkaan, waxeyna dhacdooyinkaan kusoo aadayaan xilli ciidamada Booliska Soomaaliya laga doonayo iney sugaan ammaanka goobaha doorashooyinka.