Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka bixisay $2.72 Milyan oo doollar oo dayn ah taasi oo ay Soomaalida ku lahayd Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF.
War kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in wadahal dheer ka dib ay go’aansatay in lacagtaasi ay bixiso si loo fududeeyo qorshaha deyn cafinta ee ka socda Soomaaliya.
Tilaabadan ayaa timid ka dib markii Madaxweynha Turkiga uu ku amray madaxda maaliyada ee dalkiisa in lacagtaas loo shubo Hay’adda lacagta Aduunka, ayna tahay mid ay Turkigu si deeq ahaana uga bixisay Soomaaliya oo aan deyn ahaan loogu laheyn.
Dowlada turkiga ayaa ah dowlada keliya ee sida dhabta ah u garab taagan shacabka somalaiyeed ha noqoto mashaariicda ay ka fulinayan gudaha dalka amaba deeqaha is dabajooga ah ay siinayaan shcabka somaaliyeedhalka kuwa kale ay ka shaqeynayaan sidey u lugoyn lahaan shacabka somaaliyeed.