Gudoomiyaha Degmada Afgooye oo Maanta kulan Qado sharaf ah u sameeyay Odayaasha Degmada.
Gudoomiyaha Degamada Afgooye ahna duqa magaalada mudane Aweys Abdullahi Omar (Buulalow) ayaa maanta oo jimca ah kulan qado u sameeyay dhamaan odayaasha beelaha dega degmada Afgooye.
Kulankan waxaa kasoo qeybgalay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada.
Ugu dambeyn Duqa magaalada ayaa Odayaashii kasoo qeybgalay uga mahadceliyay sida ay u Ajiibeen Dalabkiisa.