Gudoomiyaha qurba joogta degmada afgooye beesha Geledi Abdullahi omar Xalwo ayaa ugu baaqay dowlada federaalka somali & hay,adaha caalamiga somali joogo & kuwa beesha caalamka Wuxuu ugu baqayaa gargaar deg deg in lasoo gaarsiyo degmada afgooye oo xaalad bani,aadinimo ka taagan fatahaada ,biyaha webiga & kuwa roobka saameeyn ba,an ka gaysanayaan.
Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa ku sii daray xidhibaanada degmada afgooye kasoo jeedo ilaa haatan wax caawimaad soo gaarsiin, ilaa wasiirad Fahiima omar ka ahayn oo soo garsiisay gargaar fatahadii hore
Eng salah sheikh osman wasiirkii hore howlaha guud & gudi wasiiro ayaa booqasho ku tageen degmada afgooye indha indhays mooye ilaa haatan wax Gurmad soma gaarsiin
Degmada afgooye waxa kaalin wayn ka qaatay qurba joogta beesha Geladi oo hogaaminaayo Gudoomiyaha qurba joogta beesha Geladi abdullahi omar (xalwo) ayaa cawinaad badan soo gaarsiyey degmada afgooye
Intaa kaa dib Gudoomiyaha qurba joogta beesha Geladi waxa uu yiri: waxa codsan lahayn dowlada federaalka inaay sida ugu dhegsiyaha badan gargaar deg deg ula soo gaaran dadka ku baracakay gudaha degmada afgooye Gudoomiyaha qurba joogta hadalkiisa sii wata ayaa sheegay shacabka biyaha ku fataheen inay la,il daran yihiin gaajo iyo biyaha cudaro ka dhashay cafiimaad daro & guri la,aan ayaa isku darsantay.