Baarlamaanka aqalka sare ee itoobiya oo ka shirey dagaalka ka socda deegaanka tigreega degto

0
52

Golaha Aqalka Sare ee dalka Itoobiya ayaa saaka oo sabti ah kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Magaalada Addis Aabab ee Caasimadda dalkaas ayaa Go’aan Culus kasoo saaray Gobolka Tigrayga.

Kulanka Golaha Baarlamaanka ee Itoobiya oo ahaa deg deg ah ayaa waxaa Cod aqlibiyad leh ku ansixiyay in dawladda Federaalka dalkaas faragalin ku samayso deegaanka Tigrayga, isla markaana uu u magacaawdo Maamul KMG ah.

Go’aan ayaa u muuqda mid Itoobiya ku dooneyso inay meesha uga saarto Madaxdii dhawaan ay doorteen Maamulka gobolkaasi, kaddib gulufka colaadeed ee xukuumadda Abiy Axmed iyo TPLF.

Dhinaca kale Dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Tigree-ga ayaa weli ka socda Waqooyiga dalkas, waxaana maanta la geeyey goobaha dagaalka boqolaal Askari, kuwaasi oo ku biiraya dagaalka looga soo horjeedo Tigrayga.