Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul Goboledka Hirshabelle ayaa maanta kulan koodii caadiga ahaa ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabelle kalafadhiga 1aad kulinkiisa 4aad ee Baarlamanka Maamul Goboledka Hirshabelle.
Kulanka maanta Xildhibaanada ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr Cabdixakim luqmaan Xaaji Muxumed, ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa Ansixinta Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.
Ugu dambeyntii xildhibaanada Baarlamanka maamul Goboledka Hirshabelle ayaa ansixiyey Guddiga Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.