Guddoomiyaha Aqalka Sare Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa Qoraal uu soo saaray ku sheegay in guddiyada ay dowladda u saartay doorashada aan marnaba lagu kalsoonaan karin.
Cabdi Xaanshi ayaa sheegay in guddiyadii loo gudbiyay dowladda dhinac isaga riixday, taa badalkeedana ay soo magacaawday xubno sida uu hadalka u dhigay laga soo kala xulay xafiiska Madaxweynaha, kan Ra’iisal Wasaaraha iyo hay’adda Nabad-sugida Qaranka ee NISA.