
Dagaal geystay khasaaro kala duwan ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab waxaa uu ku dhex-maray degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka ayaa waxaa goobjoogayaal sheegeen in uu ka dhacaydegaanka Buulo Naagey oo ku yaalla inta dhaxeeya Ceel Wareegow Iyo Namabr 60 Ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay warbaahinta sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen, isla markaana weli mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah oo ka dhaceysa degaankii lagu dagaalamay.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay howlgallo ka wadaan degaankii lagu dagaalamay oo ay ku sugan yihiin.