Gudoomiyaha degmada Afgooye oo Shir Gudoomiyay Shirka Todobaadlaha ee Maamulka Degmada.

0
275

Gudoomiyaha Degmada Afgooye ahna duqa magaalada mudane Aweys Abdulahi Omar (Buulalow) ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee Xubnaha maamulka Degmada Afgooye

Kulankan waxaa kasoo qeybgaley dhamaan Gudoomiye ku xigeenada Degmada Oo uu ugu horeeyo gudoomiye ku xigeenka Amniga Mahdi Ahmed Hassan gudoomiye ku Xigeenka Maamulka iyo maaliyadda Mohamed Nur Gaabow gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshadda Abdullahi Hassan Abdi iyo Xoghayaha samafalka iyo Xiriirka Hey.Adaha.

Waxaa warbixino laga dhageystay Dhamaan Gudoomiye ku xigeenada Degmada.

Tobaadiiba maalinta Isniinta Ayay maamulka Degmada iska wareystaan Xaalada kusoo korortay Degmada iyo deegaanada hoosyimaada. Iyadoona maanta lasoo Hormariyay kulanka.