
Munaasabad kooban oo Maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa xilalka kula wareegay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle & labadiisa kuxigeen.
Munaasabadda oo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibaannada Hir-Shabeelle iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre uu xilka ku wareejiyay Guddoomiyaha Cusub Luqmaan Xaaji Muxumad, halka iyana Guddoomiye kuxigeennada 1aad iyo labaad ee xilka la wareegeen.
Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Luqmaan Xaaji Muxumad ayaa uga mahad celiyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Cusmaan Barre waxyaabihii uu qabtay intii uu xilka haayay, isla markaana uu doorweyn ku leeyahay dhismaha Hir-Shabeelle.
Maalinta Arbacada ah ee todobaaadkaan ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Jowhar lagu qabto doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo la sheegay in ilaa iyo hadda uu u sharaxan yahay Cali Guudlawe Xuseen oo ah Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle.