Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo u Hambalyeeyey Joe Biden

0
141

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee loo doortay ee dalka Mareykanka, Joe Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris.

Qoraal kooban oo madaxweyne Farmaajo uu soo dhigay bartiisa twitterka, ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay u rajeyneyso madaxweynaha cusub inuu ku guuleysato dadaalladaadiisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka filaysa isbedelka cusub ka dhacay Maraykanka inuu wax ka bedelo arrimo badan oo ay kamid tahay inuu Maraykanku xoojiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay walwal ka qabtay qorshayaal uu damacsanaa madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, kaasoo doonayay inuu joojiyo taageerada milatari ee Maraykanku siiyo Soomaaliya.