Ra’isulwasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa isbadalo ku sameeyay hogaanka

0
78

Ra’isulwasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa isbadalo ku sameeyay hogaanka ciidanka wadankaas sidoo kale wuxuu wax ka badal ku sameeyey wasaarada arimaha dibadda Ethiopia .

Qoraal ka soo baxay maanta xafiiska ra’isulwasaare Abiy Axmed Cali ayaa lagu sheegay sidaan.

Raysul wasaare ku Xigeenka Ethiopia Demokan Mekonan ayaa Loo magacaabay wasiirka Arimaha Dibada, isgoo sii Haya xilkii Ku xigeenka Raysul wadaaraha.

Ku xigeenkii ciimada Qaranka Birhaanu Juli ayaa loo Magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka.

Madaxweynhii deeganka Amxaaraha Temsgan ayaa loo Magaacay Taliyaha sirdoonka.

Deegaanka Amxaarada ayaa Loo magacabay madaxweyne Teshomo oo horay u haysta hogaanka Nabad galyada deegaankaas.

Taliyihii Siroodnka ayaa isna Loo Magacaabay taliyaha booliska federaalka.

Arintaas ayaa la leeyahay waxaa ay ka dambeysay qalalaasaha ka aloosan gobolka Tegreega ee woqooyiga dalkaas’.