
Wararka inaga soo gaaraya gobolka tigreega ayaa sheegaya in ciiidamada tigreega ee dagaalka kula jira ciidamada qaranka itobiya in ay soo rideen Diyaarad nuuca dagaalka.
Diyaaradan ayaa la sheegayaa kolkii lasoo ridayey in ay duqeyn dhinaca cirka ah ka wadey gobolka ay tigreega degaan gaar ahaan bartamaha Magaaladda Mekelle ee gobolka Tigreega.
Xiisadda dagaal ee u dhaxeysa gobolka Tigreega iyo Dowladda Federaalka ah ee Ethiopia ayaa marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareereysa.