Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurib ayaa kala saxiixday wajigii labaad ee barnaamijka lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, kaasoo ay ku baxayso lacag gaareysa 98.2 Milyan oo Euro.
Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay heshiiska barnaamijkan oo ay dowladdu sheegtay inuu wax badan ka tari doono koboca dhaqaalaha dalka.
Midowga Yurub ayaa dhawaan Soomaaliya ugu deeqay malaayiin dollar oo wax looga qabanayo dib usoo kabashada dhibaatada dhaqaale ee uu geystay covid19, lacagtaas oo gaaraysa shan milyan oo Yuuro.