Maxay ka dhigan tahay mucaaradka gudiga doorashada lasoo magaacabay mise waa quusteen?

0
58

Cumar Maxamad Cabdulle. Xasan Shiikh seedigii sidoo kalena la taliye sare ayuu u uhaa. Gudoomiyihii guddiga doorashooyinka.

Nafisa Geedi Santuur waxay ka tirsanayd xafiiska Ex Madaxweyne Xasan Shiikh sidoo kale waxay mar la shaqaysay Ex Ra’iisalwasaare Cumar Cabdirashiid.

Siciid Jaamac Qoorsheel Ex Wasiirkii hore ee duulista Hawada

Maxamad Keynaan la taliye sare xafiiska Madaxweynaha

Cabdiraxmaan Shiikh Macaawiye ku xigeenka xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisalwasaaraha

Mustaqiim Weyd la taliyaha Siyaasadda iyo doorashooyinka Wasiirkii arimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa oo kamid ahaa kaadiriintii Kooxda Damuljadiid.

Xubnahaan iyo xubno kale waxay kamid ahaayeen guddigii doorashooyinka ee uu Xasan Shiikh Magacaabay, waxayna ka tirsanaayeen Dawladdiisii. Sidaas oo ay tahay Musharaxiintii la tartamayay Xasan Shiikh oo uu kujiro Madaxweyne Farmaajo waa ay soo dhaweeyeen guddigaa oo sida iidiin muuqata waa ayyaga la sawiran. Ma aysan dhihin shaqaalaaha Dawladda ayaa lagu soo daray. Dooda mucaaradka waxaan ku sifayn karaaa waan baqnay oo doorasho diyaar uma nihin.