Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa magacaabay guddiga loogu talagay in ay warbixin kasoo diyaariyaan sameynta Cudurka Covid-19.
Barlamaanka Soomaaliya ayaa ogaanaya in shacabka Soomaaliyeed uu si siman u gaaray adeega caafimaad ee looga hortagayay cudurka safmarka ee Covdi19.
Guddiga oo ka kooban 9 xildhibaan ayaa sidoo kale loo xilsaaray in ay soo bandhigaan dhaqaalaha dowladda soo gaaray iyo sida loogu isticmaalay ka hortaga Covid-19.