Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele oo sheegay in beesha caalamka aysan ka qeyb qaadan dhismaha maamulkisa

0
70

Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ku eedeeyay beesha Caalamka in aysan siin wax taageero ah xilligii la dhisayay maamulkiisa.

Waxaa uu tilmaamay in beesha Caalamka ay ka gaabisay in ay taageero dhanka dhismaha maamulka ah ay siiso Hirshabeelle oo ay ka jiraan dhibaatooyin kala duwan.

Waxaa uu sheegay in isku tashi maamulka dhexdiisa ah lagu dhisay Hirshabeelle markii ay taageero weysay.

Madaxweyne Guudlaawe, ayaa ku ammaanay duubabka dhaqanka, guddiyadii doorashooyinka, dhallinyarada iyo ciidamada amniga howshii ay ka qabteen doorashadii Hirshabeelle, isagoo sheegay in beesha caalamka aysan wax kaalin ah ka qaadan doorashada Hirshabeelle.