Maalgashiga iyo kaalmada horumarineed ee Turkigu siiyo Soomaaliya ayaa saameyn ballaaran oo dhaqaale ku yeeshay Koboca dhaqaallaha iyo yareynta dhibaatooyinka shaqo la’aanta ay ka mid yihiin, sida uu sheegay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
“Waxaan aragnaa jawaabta Turkiga ee baahiyaha muhiimka ah. Dadaallada Turkiga ee ku aaddan dhismaha waddooyinka [ama] shirkadaha gaarka loo leeyahay ee lagu horumarinayo shaqada iyo waxqabadka garoonka si loo hubiyo in howlaha dekedda ay saameyn ballaaran ku yeesheen dhaqaalaha, gaar ahaan magaalada Muqdisho, ”ayuu James Swan u sheegay wargeyska Daily News ee Hürriyet.
Waxaa uu intaasi kusii daray “Kuwani waa qaybo muhiim u ah kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka,”.
Maanta, maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya wuxuu gaarayaa qadar dhan $ 1 bilyan,Marka laga reebo howlaha bani’aadanimo iyo horumarka, Turkiga sidoo kale wuxuu ku leeyahay saldhigii militari abid ugu weynaa meel ka baxsan Turkiga
Sida laga soo xigtay Swan, deynta laga cafiyay waxay muhiim u tahay Soomaaliya si ay u hesho maalgelin deeqo cusub, gaar ahaan markay la tacaaleyso cudurka faafa ee COVID-19.