Gudoomiyaha aqalka sare oo warqad dacwo ah ka qorey madaxweyne farmaajo iyo laba masuul oo kale

0
103

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa qoraal culus u qoray Beesha Calaamka, kaasoo lagu eedeeyay madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble iyo Agaasimaha NISA Fahad yaasiin Xaaji inay musuqmaasuqeen xubnaha doorashada ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Qoraalka oo ku socday Wakiilada Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo Midowga Afrika Francisco Madiera ayaa sidoo kale la ogeysiiyey safiirada Mareykanka, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxaana si weyn loogu faahfaahiyey sida ay madaxda dowladda Federaalka u boobeen oo sharci darro ugu magacaabeen guddigii Doorashada ee kasoo jeeday Somaliland, isagoo ka digay in wiixii ka dhasha arrintan ay qaadayaan saddexda mas’uul.