Hay’adda Sirdoonka Qaranka Itoobiya oo sheegtey inay qabatey rag ka tirsan alshabab iyo daacish

0
96

Hay’adda Sirdoonka Qaranka Itoobiya ee JDFI ayaa sheegtay in howlgallo ay sameeyeen ay suurtagashay inay Gacanta ku dhigaan 12 Xibnood oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Urrurada Al-Shabaab & Daacish ee ka dalgaalama Soomaaliya.

War kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ee NISS ayaa waxaa lagu sheegay in muddo ay baadi-goob ku hayen raggaan ay qabteen, isla markaana qabashadooda ay gacan weyn ka siiyeen dadka Shacabka ah.

Ragga la qabtay oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab & Daacish oo Sawiradooda la soo bandhigay ayaa waxaa Hay’adda Sirdoonka Qaranka Itoobiya ee JDFI ay Magacyadooda ku kala sheegtay.

1- Fu’ad Shaafi Khadiir

2- iimaan Asafa(Faaruuq Ismaaciil)

3- abdijabar Abdalla Ibraahim.

4- Siciid Mustafa Ibraahim.

5- Mascuud Gabayaahu.

6- Tafare Tashome(Idiris).

7- Abdirahman Adan Abubakar.

8- Mukhtaar Gaab.

9- Jaamac Diiriye Abdi.

10- Sh Ahmed Nuur Maxamed Osmaan.

11-Abdul Abdi Jamal.

12- Cumar Ridwaan muhaadi.