Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax, iyada oo guddoomiye Cusub uu u magacaabay Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa loogu Magacaabay Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii oo mar soo noqday Guddoomiyaha Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.
Sababaha xilka qaadista qaaday guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa waxaa lagu soo koobay kaliya soo jeedin ka timid Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed.
Cabdulkhadir siidi ayaan aheyn qof ku cusub maamulka goblka shabelaha heese waxaana uu dhowr jeer noqdey gudoomiyaha gobolka isagoo hadana mar kel dib loogu soo celiyey, tani ayaa cadeyneysa in siyaasada maamulka koonfur galbeed inta badanba lagu arkin weji cusub.