Dowladda Mareykanka ayaa liiska argagixisada ku dartay hoggaamiyaha ciidan xul ah oo ay leeyihiin Al-Shabaab, kaasi oo lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa weerarkii bishii Janaayo ka dhacay saldhig ku yaalla Kenya, oo lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegtay inay Macallin Ayman oo ah hoggaamiyaha ciidanka Jaysh Ayman, iyo sidoo kale Cabdullaahi Cusmaan Maxamed, oo maamula qeybta qaraxyada iyo warbaahinta, ay ku dartay liiska caalamiga ah ee argagixisada.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in cutubka Jaysh Ayman ay fuliyeen weerarkii Janaayo ee ka dhacay xerada Camp Simba ee xeebta waqooyi ee Kenya, kaasi oo lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah, laguna burburiyey diyaarad.
Sanaddii 2018, daraasad ay sameysya hay’adda Jamestown Foundation ayaa Jaysh Ayman ku qeexay dadaal ay Al-Shabaab gudaha Kenya uga sameyneysay ciidan si wanaagsan u tababaran, una qalabeysan oo Kenyan ah.