Maamulka cusub ee degmada afgooye oo ka shaqeyn weysan Isbaarooliiste Nuur Xayir

0
526

Degmada Afgooye ayaa noqotey degmo maamul kasta oo loosoo magacaabo uusan si sax ah uga shaqeyn waayey taasoo ay sabab u tahay awooda uu halkaasi ku heysto hogaamiye kooxeedka ku labisan dareyska dowlada ee lagu magacaabo Nuur Xayir.

Nuur Xayir ayaa dhalasho ahaan waxaa uu kasoo jeedaa Galmudug waxaana uu deegaanadan soo caga dhigtey xiligii ay ku habsadeen gobolka shabeelaha hoose isbaarooleyda kasoo hayaantey deegaanada gobolada dhexe.

Nuur xayir ayaa hada sida idiin muuqata waxaa uu ka tirsan yahay ciidanka dowlada darajada garbahiisa saaran ee aad arkeysaana ma aha mid uu ku muteystey howl karnimo ee waa mid uu ku heley isbaaro, dhac, iyo dil sida adeerkiis Yusuf Indha cade loo siyoo kale.

Sida aynu ka warheyno agagaarka degmada afgooye iyo weliba gudaha degmada afgooye waxaa taala in ka badan 13 isbaaro kuwaasoo ay u yaalaan Nuur Xayir iyo reerkiisa mida lala yaaban yahayna wexey tahay maamul kastoo koonfur galbeed loo soo magacaabo sababta ay ninkaasi wax uga qaban la yihiin.

Isbaarooyinka Nuur Xayir iyo reerkiisa u yaala degmada afgooye iyo meelaha ku dhow wexey kala yihiin.

1- Isbaarada Xaawa Cabdi degmada Afgooye.
2- Isbaarada 5-ta Golaha Sare degmada Afgooye.
3- Isbaarada Bood-Bood degmada Afgooye, taaso ku taal inta u dhaxaysa deegaanka Carbiska iyo degmada Afgooye gobolka Shabeellaha-Hoose.
4- Isbaarada Baar-Ismaaciil degmada Afgooye.
5- Isbaarada Taraafikada degmada Afgooye waa midda qaybisa labada jid ka Afgooye iyo ta dheer ee aadda dhanka Wanlawayn.
6- Isbaarada Buundada-Wayn degmada Afgooye.
7- Isbaarada Mukayga degmada Afgooye.
8- Isbaarada Buundada-Yariista degmada Afgooye.
9- Isbaarada Iskuulka Tadaamum degmada Afgooye.
10- Isbaarada Dugsiga-Sare degmada Afgooye.
11- Isbaarada Boosteejada Xamar degmada Afgooye.
12- Isbaarada Uuleey, ama Bacaacoow degmada Afgooye waa midda aadda dhankaasi iyo Toorotooroow iyo Furuqleey iyo buldaanta waawayn, waana isbaarada ugu dhaqaalaha badan.
13- Isbaarada Jidka-Jambaluul degmada Afgooye
.

Ninkan masuulka ah intan isbaaro ee aad arkeysaan halkaa ku heysta, in mudo ahna halkaasi ku sugan, Intaas oo dhibna ku haya shacabka degmada afgooye iyo weliba dhamaan shacabka reer koonfur galbeed mexey tahay sababta uu maamul kastoo koonfur galbeed yimaado uga aamuso mise lacagaha baada ah ee uu dadka ka qaado ayey qeyb ku leeyihiin.