Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ahna musharax Madaxweyne oo Maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.
Kheyre oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in uu horay u sheegay intii uu xilka haayay inay waajib tahay in Afartii sanaba dalka ay ka dhacdo doorasho xor & xalaal ah oo waafaqsan Dastuurka haatana uu markale ku celinayo.
Waxaa uu sheegay in hadii ana lagu heshiin nidaamka doorasho aan lagu heshiineyn doonin dowladnimada ka dhalata, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in Cashar laga barto wixii la soo maray.
Xasan Cali Kheyre waxaa uu hadalkiisa intasi ku daray in doorasho aan lagu heshiin ay ka dhalan karaan dhibaatooyin kala duwan, isaga oo tusaalo u soo qaatay dagaalka ka socda Itoobiya oo uu sheegay inuu ka dhashay doorasho dib loo dhigay.