Wasiirkii Arrimaha dibadda Soomaaliya Amb, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in uusan diyaar u aheyn qabashada xil Safiir oo u Magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya, kaddib markii xilka laga qaaday.
Cawad oo qoraal soo dhigay Bartiisa Twitte-ka ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynuhu ku mahadsan yahay xilkii Wasiirka Arrimaha dibadda ee loo magacaabay, sida uu qorayna wuxuu yiri 4 November 2018, balse xilliga saxda ah ee loo magacaabay xilka waxay aheyd 4 January 2018, sidoo kalena uu sheegay in uusan diyaar u aheyn qabashada xilka Safiir oo dalka uu yahay aan la ogeyn ee loo Magacaabay.
Xukuumadda Soomaaliya ma shaacin sababta xilka looga qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, hayeeshee habeen ka hor ayuu Wasiirka soo saaray qoraal uu kaga hadlay dagaalka ka socda Itoobiya oo uu ku sheegay inay ka walaacsan yihiin loona baahan yahay in wada-hadal wax lagu xaliyo.