Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo maanta ka shiri doona arimaha somaliya

0
76

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan xasaasi ah oo ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya ku yeelanaya Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York

Kulanka xubnaha ka qeybgalaya waxaa ka mid ah Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, waxaana la sheegay in shirka uu bilaaban doono 6:00 p.m. (Xilliga Muqdisho) .

Shirka ayaa waxaa warbixin la xiriirta xaalada siyaasadeed, mid doorasho iyo mid amni ee xilligaan dalka lag dhageysan doonaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa siweyn waxaa ay uga hadli doonaan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo xilligaan uu khilaaf ka taagan yahay, iyaga oo soo saari doona baaq ku socda saamileyda siyaasadeed ee dalka.