Midowga musharixiinta doorashada Soomaaliya oo shantii maalmood ee la soo dhaafay ku shirsanaa magaalada Muqdisho ayaa ugu danbeyntii soo saaray war-murtiyeed ka kooban 18 qodob.
Musharixiinta ayaa war-murtiyeedkoodan ku dilbaday in la kala diro gabi ahaan guddiyada dowladda Soomaaliya u saartay in ay ka shaqeeyaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee badalaya Baarlamanka hadda jira.
Musharixiinta ayaa sidoo kale dalbaday in guddiga doorashada xildhbaannada Gobollada Waqooyi loo madax-bannaaneeyo in uu soo magacaabo guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi iyo qodobo kale oo dhawr ah.