Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ku sii jeeda gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif iyo wafdiga uu hoggaaminayo ay saacadaha soo socda ka amba-bixi doonaan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.
Ujeedka safarka Sheekh Shariif ayaa lagu sheegay inuu la xiriiro u ololeynta arrimaha doorashada, isaga oo sidoo kale booqan doono magaalooyin kale oo ku yaalla dalka.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu kulamo Baydhabo kula qaadan doono Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.