Puntland ayaa diiday in ay soo magacowdo guddiga doorashada heer maamul goboleed, iyadoo ku adkaysanaysa in dowladda federalka iyo maamul goboleedka iskugu yimaadaan shir wada tashi oo looga arrinsanayo wixii ka fuli waayay heshiiskii doorashada ee Muqdisho lagu galay.
warar aynu ka heleyno magalada garoowe ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu diiday codsi raysal wasaaruhu usoo jeediyay oo ahaa in ay Puntland marka hore magacowdo xubnaha guddiga doorashooyinka, kuwaas oo loo xanniban yahay.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay magacaabida guddiga doorashada in ay wax badan ka horeeyaan islamarkaana dowladda federalka looga baahan yahay in mar hore ciidamadeeda kasoo saarto Gedo iyo in dib loo fiiriyo magacaabidda guddiyada maamulaya doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi.