Sanad guuradii labaad ee kasoo wareegatey xariga gardarada ahaa ee lagula kacay Mukhtaar Roobow

0
69

Maanta oo kale ayey ahayd kolkii ciidamada itoobiyaanka ee ku sugnaa magalada baydhabo ay halkaasi kasoo qafaasheen Mukhtaar Roobow oo markaasi ahaa musjarixiintii ugu cadcadaa ee doorashadii madaxtinimada koonfur glabeed, Taasoo haatan laga joogo mudo 2 sanadood ah ilaa iyo jadana aan jirin wax cad oo lagu heysto.

Xariga ama afduubka Mukhtaar Robow ayaa dad badani waxaa ay ku fasireen in mid qalad ah oo aan waafaqsaneyn sharciga islaanka iyo weliba kan dastuurka somaliya balse group oo siyaasiyiin ah ay xoog ku heystaan iyaga oo u adeegsanaya awooda dowlada taasina aysan aheyn mid ku dhisan cadaalad.

Mudadan labada sanadood eh ee uu xiran yahay Mukhtaar Roobow ayaan jirin wax maxkamad ah oo la soo taagay ama wax dembi ah oo markaasi lagu soo eedeeyey oo aan ka eheyn in uu diidey in uu ka tanaasulo ka qeyb galka tartanka doorashooyinka xiligaasi ka dhacaayey magalada baydhaba.

Dad badan oo aan gudaha kala xiriirney ayaa waxaa ay hoosta ka xariiqeeen in Mukhtaar Roobow uusan u xirneyn dowlada balse uu u xiran yahay qaar ka tirsan siyaasiyiinta ma gudbayaasha ah ee hor boodaya siyaasada shacabka Maayland iyaga oo u arkey inuu carqalad ku yahay hamigooda siyaasadeed.

Waxaa jirtey sanad iyo bar ka hor in Maxamed Mursal iyo Cabdcasiis lafta gareen ay balan qaadeen in lasoo deyn doona Mukhtaar Roobow sida ugu dhaqsiyaha badan taasoo eheyd riwaayad ay u jilayeen shacabka masaakiinta ah ee Mayland oo inta badan aamina sat=yaasiyoontooda xataa hadii ay hog ku gurayaan.

Dhinaca kale waxaa jira siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada kale ee dalka oo iyagana carqalad u arka sii deynta mukhtaar Roobow, Maadama mukhtaar uu sheegay in uu deeganada maayland ka xoreyn doonto kooxaha isbaarooleyda ah ee dhiiga ka miirta shacabka reer Maayland.

Si kastoo ahaataba danaha ay leeyihiin siyaasiyiinta ma gudbayasha ah iyo kooxaha u arkey in uu carqalad ku yahay Mukhtaar Roobow waxaa aysan ogoyn in shacabku aysan aheyn kuwii horey indhahooduna ay furan yihiin isla markaana aysan ka daadagi karin wax ka yar cadaalad, 2 sano iyo bar qof aan dembi lagu soo oogin micnaheedu waxey tahay inuusan dembi laheyn.

Furaha nolasha waa Cadaalad hadaan cadaalad la helina dulmi ma dhamaanaayo