Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa how-gal qorsheysan ka fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ay sheegeen inay dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalka oo ay fuliyeen Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska DANAB ayaa saraakiil ka tirsan DANAB waxaa ay sheegeen in lagu dilay Saraakiil Al-Shabaab u qaabilsanaa sameynta qaraxyada.
Mid kamid ah saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa u sheegay Idaacadda Ciidamadda qalabka sida in howlgalkaas lagu dilay Saraakiil lagu Magacaabi jiray Muxsin Caliyoow oo ka soo jeeda Gobolka waqooyi bari Kenya iyo Maxamed Sheekh kuwaasi oo qaabilsanaa farsameynta jaakadaha iyo suumanka ay Al-Shabaab qaraxyada u adeegsadaan.
Saraakiisha DANAB ayaa intaasi ku daray howlgalka oo isugu jiray mid cir iyo dhul ahaa uu ujeedkoodkiisu ahaa ka hortaga qaraxyada ay ka fuliyaan Al-Shabaab meelo kamid ah dalka Soomaaliya.