Doorashada 2021: Musharaxiinta iyo Mataanahooda Shisheeye

0
290

Waxaan u maleynayaa in la isku wada raacsan yahay doorasho walbo in aay cawaaqib leedahay, laakiin dorashooyinka ka dhici doona Soomaaliya (Baarlamaanka federaalka iyo madaxweynahaba) 2021 waa kuwa saameyntooda xoog badan yeelan doonto xaaladda uu dalka ku jiro awgeed. Sidee loo yareyn karaa khasaaraha wadan ahaan uga iman kara Soomaaliya loona kordhin karaa guulaha laga gaari karo doorashada ayaa muhiim ah in wax la iska weydiiyo.

Intaanan u gelin khasaaraha iyo faa’iidooyinka la dhaxli doono, waxaan rabaa in aan fiiriyo waxa keenaya halista iyo dulduleelada jira. Kow, waxaa la isku raacay doorasho dadban oo ah mid qofka mawaadinka uusan cod toos ah ku lahayn cidda mataleysa. Taas macnaheedu wuxuu yahay si kastuu u og yahay halista waxa uu ka qaban karo weey yar tahay. Tan labaad, burburkii ku yimi wadanka wuxuu keenay in aay hoos u dhacaan ama baaba’aan tayadii macaahidda taasoo keentay in musharixiinta badankood weliba ilaa iyo hadda kuwa ugu cad-cad (kalama saarayo mucaarad iyo muxaafid) in aay liidato tayadooda waayoaragnimo hogaamineed. Qaarkoodna in xiriirkooda wadamada dibadda ah ee aay soo joogeen, u soo shaqeeyeen ama soo-caawiyey uu dhantaalay waddaninimadooda. Tan ugu dambeysa oo ah wadanka oo ku yaala meel istaraatiiji ah laguna tuhmaayo kheyraad fara badan oo dhul iyo badba leh oo quwado badan hunguri uga jiro.

Xaaladda markeey sidaas tahay, meeshana uusan jirin xisbi siyaasadeed waxa la dooranayo waa shaqsi noqonaya madaxweyne. Musharixiinta waqtigan tartamaya shaqsi-shaqsi haddii loo fiiriyo ma lahan awood dhaqaale iyo shacbiyad badan oo aay ku galaan ole-ole doorasho. Haddii aay guuleystaane waxay u baahan yihiin kaalmo miisaaniyadeed oo aad u badan. Marka, waa ku qasban yihiin in aay raadsadaan cid kaalmeysa si aay doorashada ugu guuleystaan una maamulaan wadanka guushaas ka dib. Cidda kaalmada mugga leh bixineyso ma ahan muwaadiniinta ee waa dowlado iyo hey’ado shisheeye oo dano u gaar ah ka leh caawinaadooda.

Xaqiiqo ahaan musharax walba waxaa ku mataaneysan shisheeye dan leh. Shisheeyahaas danahooda, faa’iidooyinkooda iyo khasaarahooda waaye waxa la dooranyo ee ma ahan madaxweyne Soomaaliyeed oo kaliya.

Ilaa iyo hadda shisheeyaha saameynta leh waxaa loo qeybin karaa saddex qeybood oo labo ka mid ah eey u badan tahay in aay gaashaanbuursi sameeystaan.

Qeybta koowaad waxay diyaar u yihiin in aay bixiyaan lacag aad u fara badan oo ku baxeysa doorashada, mashaariic horumarineed oo xoog badana weey bixiyaan waxayna aaminsan yihiin in aay faa’iido ugu jirto Soomaaliya in aay xoogeysato, horumarto oo dhaqaale yeelato. Intaa waxaa dheer in aay bixiyaan deeqo waxbarasho, tababaro ciidamo iwm. Waxaa la dhihi karaa dantooda in aay ka dhex arkaan soo-jiidashada quluubta Soomaalida.

Qeybta labaad waxay xoogga saaraan in aay helaan siyaasiyiin aay maalgashadaan oo fuliya dantooda. Mana cadda dantooda kama dambeysta ah. Marka laga reebo saddaqooyin yaryar oo aay siiyaan dadka marka masiibooyinka dhacaan maahane mashaariic wax gal leh oo aay qabteen ma jirto. Mar marna waxay u muuqdaan guulaha Soomaalida in aay toos liddi ugu yihiin.

Qeybta saddexaad waa wadamada deriska ah. Dhinacii ugu dhibka badnaa hadda tooda ayaaba heysata oo saameyntooda waxaa la dhihi karaa weey yaraatay ama isbdelka ka dhacay wadankooda dartiis khatartooda weey yaraatay. Laakiin, dhinaca kale ayaa u eg mid khatartiisa aad u badan tahay. Waxaa laga yaabaa in la maareyn karo dhibaatada aay geysan karaan keli ahaan. Laakiin, markeey qolada qeybta labaad ee aan kor ku soo sheegnay gaashaanbuursadaan, waxaa Soomaalida uga iman karta halis.

Marka waxaa loo baahan yahay cid kastoo gacan ku leh doorashadan dadban in aay fiiriyaan danta wadanka iyo mustaqbalka jiritaanka umadda oo aay miisaamaan cidda aay dooranaayaan iyo shisheeyaha daba socdaba. Waxyaabaha Soomaalida dhexdeeda kala tirsaneyso waa wax aan macno badan ku fadhiyin marka loo fiiriyo jiritaanka umadda.

Cawaaqibta ka iman karta in la doorto musharax mataanayaashiisa shisheeye aan laga fiirsan waxay noqono karaan in la waayo amniga, in horumarka yar ee dhismaha hey’adaha dowliga ah dib u dhac uu ku yimaado iyo tan ugu daran oo ah in dagaal sokeeye dib loogu laabto. Mas’uuliyaddaas waxaa iska leh cid walbo oo door ku leh doorashda dadban doorkooda ha yaraado ama ha weynaado.

Waxaa laga yaabaa musharaxa aay la socdaan shisheeyaha raba in aay wax u qabtaan Soomaalida in uusan beeshaada ahayn ama xitaa uu u daran yahay reerkaaga fadlan doorta kaas. Ha dooranina musharaxa aay dabada ka riixayaan shisheeyaha aanan laga heleyn faa’iido dan guud ah xitaa haddii uu yahay reerkaaga. Mudnaanta doorashada ma ahan musharaxa oo kaliya ee waa mataanaha shisheeye.

Insha Allah Kheyr,
Abdulkadir M. Abow
abow@idirect.com