Dowladd federaalka ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dibaxbaxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wasiirka amniga dowladda federaalka Soomaaliya Xassan Xundubeey Jimcaale ayaa sheegay in laamaha amaanka aan lagu soo wargalin dibadbaxii shalay ka dhacay caasimadda.
Dibad-baxyadan ayuu wasiirka ku tilmaamay kuwa rabshado lagu abuurayo oo ay dad gaar ah soo abaabuleen.
Dhinaca kale Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa ugu baaqay dowladda fedaralka ee Soomaaliya in ay dhowrto sharciga ayna dhaqan galiso qodobadii doorashada ee lagu heshiiyay.