Midowga musharixiinta oo walaac ka muujiyey hub uu turkiga siiyey ciidamada haramcad

0
115

Warsaxaafadeed ka soo baxay xubnaha midowga musharraxiinta xilka madaxweynaha ee 2021-ka ayaa waxa lagu sheegay inay walaac xoogan ka qabaan hub ay sheegeen in 16 illaa 18 -ka bishan loo soo wado Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in hubkaas oo ay la socoto saanad milatari ay qorsheyneyso inay Muqdisho keento dowladda Turkiga.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa sheegay in ay si gaar ah uga walaacsan yihiin xilliga lagu soo aadiyey hubkan, maadaama Soomaaliya ay galeyso doorashooyin.